Home / Somali News / Faah-faahin Weerar Xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne

Faah-faahin Weerar Xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne

Baledweyne–KNN–Hal qof ayaa inta la og-yahay ku dhintay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Bam Xalay lagu weeraray Goob maqaaxi ah xaafadda  Xaawo Taako ee Magaaalada Beledweyne.

Dad ku suganaa goobta oo ayaa inoo sheegay in dad aan la garaneynin bam gacameed ku tuureen maqaayad lagu fiidsado xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, iyadoo kooxihii Bamka  ku weeraray maqaayada goobta ka baxsadeen.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Weeraradan noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top